Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag dil ka geystay duleedka degmada Guriceel oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay labo qof oo shacab ahaa loogu geystay duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dilka oo ka dhacay deegaanka Habar-Cirir ee gobolkaasi ayaa la sheegay in geysteen maleeshiyaad hubeysan.

Dhinaca kale taliyaha ciidanada Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Maxamed Jaamac oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmadaasi ay ku qabteen labo ka mid ah ragga dilka geystay oo iyaga baxsad ah gaaray halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku raad joogaan labo nin oo kale oo la sheegay inay ku lug lahaayeen dilalkaasi.

Inta badan dilalka ka dhaca gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa salka ku haya arrimo la xariira aanooyin Qabiil.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this