Deeq A. Posted February 11, 2020 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ammaanka dalka uu meel xun marayo, isagoo xusay in dalka amnigiisa lagu soo duulay. Taliye Xijaar oo ka hadlayay kulan looga hadlayay isku xirka howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa ugu baaqay Hey’adda Socdaalka in ay koontaroosho dadka soo galaya. “Amniga dalka meel xun buu marayaa, amniga waa lagu soo duulay, kaamirooyinkii lagu xiro waddooyinka in la qarxiyo ayaa la gaaray” ayuu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska. “Dalka horumarkiisa ayaa la diidan yahay, Injineerada waddooyinka dhisaya ayaa la qarxiyaaa, waxaa la diidan yahay ummadda inay xasisho”ayuu hadalkiisa raaciyay Taliye Xijaar. Waxa uu sheegay in ay jiraan dad aan rabin in dalkaan horay u socdo isla markaana ka shaqaynaya in ay wax bur buriyaan sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeynta Hey’adda Socdaalka iyo Booliska, isla markaana ka wada qeyb qaataan ilaalinta amniga iyo koontaroolka dadka dalka soo galaya. Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa https://youtu.be/bbbSrO5G70M PUNTLAND POST The post Gen Xajaar: Amniga dalka meel xun buu marayaa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites