Deeq A. Posted February 11, 2020 Sii hayaha xilka safaaradda Soomaaliya ee wadanka Burundi, Mudane Cabdi Maxamed Yuusuf (Liiq Liiqato) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo la xiriira dhul uu sheegay inay leeyihiin, islamarkaana ay ku heystaan saraakiil ka tirsan waaxda ilaalada deegaanka Ggobolka Banaadir. Liiq liiqato ayaa tilmaamay in dhulkaan oo ku yaallo degmada Cabdicasiis uu lahaa Aabahood Ganaraal Maxamed Yuusuf Axmed (Liiq liiqato) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii milatariga ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Liiq-Liiqato.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites