Sign in to follow this  
Deeq A.

Greek oo dib u soo celinaya muhaajiriin badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda dalka Greek ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabeyso qorshe ay albaabada isugu dhufaneyso xeryo ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi oo ay dagan yihiin muhaajiriin u badan Afrikaan oo ay Soomaali ku jiraan.

Qorshaha ay ku dhawaaqday dowlada Greek ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah oo xukuumaddu sheegtay in todobaad weliba ay gudaha Turkiga dib ugu soo celin doonaan 200 oo muhaajiriin ah,kuwaas sharci ka raadinaya gudaha dalka Greek.

Wasiirka socdaalka iyo arrimaha qaxootiga wadankaasim, Notis Mitarachi ayaa sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay xeryaha ku yaalla jasiiradaha Aegean ee dalkaasi ay soo gaareen 20 kun oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaas oo dhamaantood magangalyo doon ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha dib u celinta muhaajiriinta ay dhawaan ka bilaabi doonaan jasiiradaha Lesbos, Chios, Samos, Kos iyo  Leros ee dalkaasi Greek.

Greek ayaa dhawaanahan noqday marin ay isticmaalaan muhaajiriinta Afrikaanka ah, kuwaas oo inta badan ka baxa dhinaca dalka Turkiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this