Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Dadka U Dhintay Coronavirus Oo Kor U Dhaaftay 1000 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Beijing)-Tirada dadka ku dhintay cudurka Coronavirus ee dalka Shiinaha ayaa dhaaftay 1000 qof, waxaana sare usii kordhaya walaaca laga qabo heerka uu la eg yahay dhaawaca uu gaadhsiiyey dhaqaalaha dalka.

FED1956B-44EA-4D01-8D6D-8765BC3FD9C2_w10

Shirkadaha dalka Shiinaha qaarkood ayaan weli shaqada kusoo laaban kadib markii fasax dheeri ah ay siiyeen shaqaalahooda dabaa-deggii sannadka cusub kadib, halka kuwa kalena ay dowladda weydiisteen ballaayiin dollar oo deyn ah, si ay usii shaqaayaan.

Shirkadaha qaarkood ayaa sidoo kale shaqada ka eryey dad badan, inkasta oo ay jirto in madaxweyne Xi Jinping uu shacabka u ballan-qaaday in ayna jiri doonin shaqo ka eryid badan.

Dhinaca kale, la-taliyaha sare ee dowladda ee cudurkan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in faafitaanka cudurkan uu dhammaado bishan February.

“Xilliga uu joogsan lahaa fiditaanka cudurka waxaan filayaa inay noqoto bartamaha ama dhammaadka bishan,” ayuu yidhi Zhong.

Waxa uu sheegay in tirada kiisaska cusub ee cudurkan ay hoos u dhacday gobollada qaar.

Guddiga Caafimaadka Qaranka ayaa dhinaca kale sheegay salaasadii in 108 qof oo cusub ay u geeriyoodeen cudurka, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 1016 qof.

REUTERS

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this