Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallinkii xulka Qaranka Soomaaliya oo shaqada uga tegay sababo amni dartood

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Macalinkii kooxda xulka qaranka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Ghanaian Bashir Hayford ayaa shaqada isaga tegay, 11 bilood kadib.

Ninkaan oo u dhashay dalka Ghana ayaa sababta ku sheegay arrimo la xiriira amniga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu muddadaasi ka howlgalayey.

Hayford oo la hadlay shabakadda wararka Pulse.com.g, isagoo ku sugan dalkiisa ayaa wacad ku maray inuusan dib ugu laaban doonin gudaha Soomaaliya, islamarkaana uu shaqadiisa uga tegay amni darro awgeed, sida uu hadalka u dhigay.

Macalin Ghanaian Bashir Hayford ayaa muddadii uu gacanta ku hayey xulka qaranka dalkeena ka shaqeeyey dib u hagaajinta ciyaartoyda, wuxuuna markii uu qabtay kooxda sanadkii hore 2019-kii uu gaarsiiyey heer wanaagsan.

Sidoo kale Hayford guulaha muhiimka ah ee uu la gaaray xiddiga Badweynta (Ocean Stars) ayaa waxaa ka mid ah, kadib markii ay garaaceen xulka qaranka Zimbabwe lugtii hore ee is reeb-reebka koobka Adduunka ee 2022-ka lagu qabanayo dalka Qatar.

Hoggaanka xulka qaranka Soomaaliyeed ayaa haatan ka baaraan degaya macalinka bedalaya booska uu baneeyay, macalin Ghanaian Bashir Hayford, kadib 11 bilood.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this