Deeq A. Posted February 11, 2020 Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, General Yilma Tigabu ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. General Yilma Tigabu ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan howgalka AMISOM, kuwaas oo ka howgala gobolkaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa la sheegay in muddo laba maalmood ah uu joogi doono magaalada Baydhabo isaga oo la kulmi doono ciidanka AMISOM ee jooga halkaasi. Sidoo kale taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM General Yilma Tigabu ayaa booqan doono xeryaha ciidamada AMISOM ee ku yaalla gobolka Baay, isagoo si gaar ah u kormeeri doono howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka soconaya guud ahaan gobolkaasi. AMISOM ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyada oo kaashaneysa ciidanka Xoogga dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites