Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: MW Farmaajo oo Addis Ababa kulan kulmay madaxa Golaha Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Addis Ababab kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha Golaha Midowga Yurub, Mudane Charles MICHEL.

Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Charles MICHEL ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galay meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa kulan duceedyo magaaladaasi kula yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo shirkaasi ka qeyb galay, sida ra’iisul Wasaarayaasha Canada iyo Norway.

2-22.jpg 3-10.jpgkkk.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this