Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilyaas Aaden: Ninka la reebay waa dambiile

Recommended Posts

Deeq A.   
Oday-Ilyaas.png?w=1000&ssl=1Ilyaas Aaden

Abbaha dhalay gabadhii yareyd ee Caa’isha, oo warbaahinta la hadlay kadib markii saaka la qisaasay laba kamid ah saddexdii xukmane ee Kiiskaasi, ayaa ka warbixiyay sababta loo reebay xukmanihii saddexaad.

Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in xukmanaha la dib dhigay qisaastiisa uu yahay dambiile, balse mudda  10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa, si baaritaan iyo hubin loogu sameeyo.

Sidoo kale, Ilyaas wuxuu sheegay in isagu codsaday dib u dhigista xukmane Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ee aysan jirin go’aan maxkamadeed oo dib loogu dhigay kiiskiisa.

Oday Ilyaas, ayaa intaasi raaciyay, in uu saaka goob-joog ahaa fagaarihii lagu toogtay labada xukmane, isagoo xusay xukunka qisaasta ay qoyskiisu fuliyeen, islamarkaana uu shakhsiyan hubin ku sameeyay maydadkooda.

Hadalkaas ayuu Ilyaas Aaden jeediyay saacad kadib markii xukunka qisaasta ah lagu fuliyay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

 Labada marxuum ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso, waxaase mudda 10 cisha ah kiiskiisa dib loo dhigay Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Ilyaas Aaden: Ninka la reebay waa dambiile appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this