Deeq A. Posted February 11, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Baangaaley oo u dhexeeya degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka dowladda oo ku dhex jiray maleeshiyaadkaa ay isaga kala baxeen, kadib markii ay ka go’day sahaydii ay ku joogeen halkaasi. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale beelahaasi ay ku dagaalamaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites