Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyneyso Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Mudane Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in maanta ay sugayaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo saacadaha soo socda ku wajahan gudaha degmadaasi.

Sahal oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la wareegi doonaan amniga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay isugu jiraan Milatari, Boolis iyo Asluub, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka Ceelwaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dabaday dowladda federaalka in aysan hilmaamin ciidamadii horay uga howlgalayey degmadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku soo shaqeeyeen daruufo adag, tan iyo sanadkii 2009-kii

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ciidamada ku daabuleysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, kuwaas oo la wareegay Doolow iyo Beled-Xaawo.

Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa sidoo kale sare u qaaday xiisada u dhexeysa dowladda dhexe iyo Jubbaland ee ka taagan gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this