Deeq A. Posted February 11, 2020 Puntland ayaa saaka xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo ka mid ah raggii lagu helay kiiskii Caaisho Ilyaas Aadan oo ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu toogtay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigay toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame. Sababta toogashada looga reebay C/salaan ayaa lagu sheegay inuu dalbaday Aabaha dhalay Caa’isho Ilyaas, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Caaisho oo 12 jir aheyd ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay Ummaddda Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites