Sign in to follow this  
Deeq A.

Raggii lagu helay kiiskii Caasho Yar oo saaka la toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland ayaa saaka xukunkii dilka toogashada ahaa ku fulisay labo ka mid ah raggii lagu helay kiiskii  Caaisho Ilyaas Aadan oo ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa lagu toogtay Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigay toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Sababta toogashada looga reebay C/salaan ayaa lagu sheegay inuu dalbaday Aabaha dhalay Caa’isho Ilyaas, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Caaisho oo 12 jir aheyd ayaa  bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay Ummaddda Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this