Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Ka Mid Ah Raggii Lagu Helay Kufsigii Iyo Dilkii Loo Geystay Caa’isho Ilyaas Oo Saaka La Toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Ciidamada maamul gobolleedka Puntland ayaa saaka toogasho ku fuliyey laba ka mid ah saddexdii nin ee lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12- jir ahed, dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaalida.

dil-324x235-1.jpg

Raggaan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ahna caasimada gobolka Bari.

Labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, halka muddo 10 Cisho ah dib loo dhigey toogashada Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Wararka ayaa sheegaya in sababta xukunsanaha toogashada looga reebay ay tahay inuu dalbaday Aabaha Dhalay Caaisha ee Ilyaas Aadan.

Toogashada laga fuliyey ragaan ayaa hora loo sii ogaaa, waxaana 12-kii bishii hore shaaciyey xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland.

Dad badan ayaa si aad ah u soo dhoweeyey in ay cadaaladda ay hesho Caaisho Yar oo bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this