Deeq A. Posted February 11, 2020 (SLT-Moscow)-Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa xabsi gaadhay lix illaa iyo 10 sanno ku xukuntay todoba xubnood oo ka mid ah shaqsiyaadka u ololeeya xisbiga midigta ee mucaaradka ku ah dowladda. Waxaa lagu eedeeyay in ay maleegayeen weeraro ka dhaca ruushka intii lagu guda jiray koobkii Adduunka ee sannadkii 2018-kii. Xubnahaan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo Network, ayaa doonayay in weerar ay ka geystaan magaalada Penza. Si kastaba ha ahaatee eedeysanayaasha oo da’dooda u dhaxeyso 23 ilaa 31 sano jir ayaa diiday danbiga lagu soo oogay. Iyaga oo hadal kooban ka jeedinayay Maxkamada ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Kremlin ka in uu ku xadgudbay intii ay xabsiga ku Jireen. Dalka Ruushka ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo lagu qaaday xarumaha Dowlada. Source Share this post Link to post Share on other sites