Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xalay ku kulmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku sugan yihiin.

25660019_1626059614107262_39455071789523

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulanka laakiin, ilo xogogaal ah ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay kulanka oo ahaa mid casho ah oo ka dhacay hotelka madaxweyne Biixi degan yahay.

Kulanka ayaa la sheegay in ay jilbaha isku dhigeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo ay kala weheliyaan Dr Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiir Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah waxaana la filaya in ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Somaliland oo ay ugu horayso arrinta doorashooyinka iyo muranka Komishanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this