Deeq A. Posted February 10, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa la sheegay in uu kala hadlay odayaasha tabashooyinka ka dhashay doorashadiisa. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in odayaasha ay midnimo u muujiyeen Qoor-qoor. “Waxa ay muujiyeen garab istaaga Maamulka cusub ee Galmudug si loo gaaro horumar iyo midnimo loo dhanyahay,” ayay tiri madaxtooyadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites