Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha DFS oo xiray shir muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen ayaa soo xiray shirka ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha iyo badqabka cuntada

Shirkan oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxa uu ku saabsanaa katashiga iyo ka doodida qodobada ku darista ama ka badalka u baahan ee ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta  iyo badqabka cuntada  waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, xubno ka socday  Wasaaradaha, beeraha, Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Ganacsiga,  Aqoonyahano iyo xubno ka socday maamul goboleedyada.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya oo kaashaneysa urur Goboleedka IGAD iyo USAID ayey ka qeyb galayaashu uga doodeyn qaabka looga wada shaqeyn karo ansixinta istiraatiijiyadda Qaran ee caafimaadka Xoolaha, dhirta  iyo badqabka cuntada  oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, maadama sharcigan uu ka shaqeynayo In la helo xoolo iyo  cuno caafimaad qabta oo tayo wanaagsan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo shirka soo xiray ayaa sheegay in istiraatiijiyadan ay horseedi doonto inuu dalku gaaro  isku filnaansho dhaqaale iyo mid caafimaad, lagana kaaftooyo waxyaabo badan oo Soomaaliya uga imaan jiray dalka dibadiisa.

1-10.jpg 2-12.jpg 3-11.jpg 4-11.jpg 5-8.jpg 6-7.jpg 7-7.jpg 8-6.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this