Deeq A. Posted February 10, 2020 Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland ayaa si rasmiya u shaacisay, in la hakiyay dhammaan Shaqada Xafiisyada Nootaayooyinka ee ka furan degaannada Puntland. Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud, ayaa lagu sheegay in la hakiyay shaqada Nootaayooyinka ka furan Puntland, inta laga hubinayo habsami-usocodka shaqada xafiisyadaasi. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay, in Xafiisyada Nootaayooyinka ay mudda 7 cisho gudahooda ku yimaadan xarunta Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland. Wasaaradda ayaa digniin ku bixisay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii ku imaan wayda wakhtiga loo qabtay. PUNTLAND POST The post Puntland oo hakisay dhammaan shaqada Nootaayooyinka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites