Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiso Xanuun badan:Haweeney Somaliyada oo farta qaniinyo lagag goostay Gudaha masaajidka ku yaal Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

masjidfar.jpg?w=690&ssl=1

Dagaal gacan-ka-hadal ah oo shalay gelinkii dambe labo dumar ah ku dhex maray gudaha masaajidka soomaalida ee Tawfiiq ayaa sababay in mid ka mid ah haweenkaas qaniinyo farta lagaga gooyay.

Labada haweenka ah  ee dirirtay ayaa da`dooda lagu kala sheegay 30-jir iyo 50-jir, waxaana qaniinyada farta looga jaray haweeneyda 30 jirka ah, sida ay xaqiijiyeen booliska oo goobta loogu yeedhay.

Sarkaalka hoggaaminayay booliska goobta gaadhay oo lagu magacaabo Christian Krohn Engeseth ayaa sheegay in haweeneyda Farta laga goostay loo qaaday xarunta caafimaadka ee Legevakt-ha loo yaqaan ee ku taal badhtamaha magaalada Oslo.

Booliska ayaa qabtay oo dambiga dusha ka saaray haweeneyda 50-jirka ah, waxaana lagu eedeeyay in ay dhaawac u geysatay jidhka ruux kale.

Farta haweeneyda laga jaray ayaa dhulka laga qaaday, waxaana laga daba-geeyay haweeneyda Markii Cusbitaalka loo qaaday, balse wali ma cadda in dib loogu rakibi karo iyo in kale.

Wali lama oga xidhiidhka ka dhexeeyay labadan dumar ee diriray iyo waxa ay isku qabteen, balse booliska ayaa wada baadhitaan iyo xog-wareysiyo markhaatiyaal oo dhacdadan ku taxaluuqa.

#Oslo Åkebergveien. Politi og ambulanse er på stedet ifm et slagsmål. To kvinner skal ha sloss og bla er en finger bitt av. Vedkommende tas hånd om i ambulansen.

— OPS Politiet Oslo (@oslopolitiops) February 9, 2020

Arrintan ayaa dhacday shalay oo Axad aheyd, abbaarihii shanta iyo barka galabnimo, waana xilliga lagu wargeliyay booliska.

Xilliga uu dagaalka dhacayay masjidka ayaa ahaa mid ay dad badani joogeen, maadaama ay Axad aheyd.

Booliska ayaa sheegay in goobta uu dagaalki ka dhacay ay ku xirantahay kaamiro, ayna ogyihiin waxa uu dagaalka salka ku hayo, balse eysan dooneyn in ay iminka warbaahinta u sheegaan.

masjidfar1.jpg?w=690&ssl=1

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa masjidkan Tawfiiq ka taagnaa is-qab-qabsi dhanka maamulka ah oo ay ugu dambeyn xallisay dowladda Norway iyadoona xilka guddoonka u magacowday si kumeel-gaal ah mid ka mid ah labadii garab ee dhanka maamulka isku haystay markii ay ku heshiin waayeen muddo loo qabtay.

Ma cadda wali in dagaalkan uu xidhiidh la leeyahay is-qab-qabsiga masaajidka.

Masaajidkan oo taariikh ahaan soo jiray ilaa iyo todobaatameeyadii islamarkaana ay aas-aaskiisa iyo maamulkiisuba soomaali lahaayeen, soona dagay xarumo kala duwan oo magaalada Oslo ah ayaa taageero dhaqaale oo gaaraya 7,8 milyan Kr. oo lacagta Norway ah ka heli jiray dowladda sannad walba, waxaana macaamilkii ku xidhanba ay dowladdu u qoondeysay lacag gaareysa 1000 kr.

Bishii Juun ee sannadkii tagay ayay dowladda Norway waxa ay jartay lacagtii caawinaadda aheyd ee ay masaajidka siin jirtay kadib markii uu gaadhay khilaafka laba kooxood oo midba sheeganaya in uu isagu hoggaanka u hayo masjidka.

” – Waxaan hakad gelinay bixinta lacagtii aan siin jirnay masjidka Tawfiiq sababo la xidhiidha in aan garaneyn cidda saxda ah ee maamulka u haysa. Laba kooxood ayaa warqado noosoo kala dirsaday oo midba lacag gooni u dalbanaya kuwaas oo labaduba adeegsanayaan magaca Tawfiiq Islaamic Center “, ayay tidhi Hege Skaanes Nyhus, oo madax ka ah lacag bixinta xarumo-diimeedyada gobolka Oslo iyo Viken.

Masaajidka soomaalida ee Tawfiiq ayaa ah kan ugu macaamiisha badan dalka Norway, waxaana u diiwaangashan in ka badan siddeed kun oo macaamiil ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this