Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Kulano La Yeesho Madaxweyneyaasha Dalalka Kenya, Guinea Iyo Ghana

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaaminayey oo maalintii labaad ku sugan Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho Madaxweyneyaasha dalalka Kenya, Guinea iyo Ghana.

29595353_1608176999296147_45629305414943

Weftiga Madaxweynaha Somaliland oo maalintii shalay gaadhay dalka Ethioia ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.

EQX5xhLXsAEuI2T.jpg?resize=300%2C176

Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaasi Ethiopia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this