Deeq A. Posted February 10, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda duhurnimadii maanta lagula eegtay deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Ugu yaraan shan askari ayaa ku geeriyootay qaraxaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaariga la qaraxiyey ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka yimid dhinac degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro qaraxyo ah ka fulisa dhabaha isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites