Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo booqday Shirkadaha Shidaalka waddanka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka-Batroolka.jpg?w=1000&ssl=1

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo maalmahan  ku sugan dalka Suudaan ayaa booqday shirkadaha iyo Xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaalka iyo Macdanta dalka Suudaan.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyay Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya  dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego.

Wasiirka ayaa Goobaha ku soo dhoweeyay Howl-wadeenada shirkadaha shidaalka, iyagoo Wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan iyo qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaayay sida Soomaaliya diyaar ugu tahay inay ka faa’idaysato khayraadkeeda gaar ahaan dhanka batroolka iyo Macdanta.

Sidoo kale, wuxuu sheegay  in hataaan la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal wadayeeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo booqday Shirkadaha Shidaalka waddanka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this