Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ku yaalla Halgan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhig ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Halgan, gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, sida lagu baahiyey war lagu qoray bogagooda Internet-ka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan illaa 7 madfac ay ku hoobteen gudaha xeradaasi.

Al-Shabaab ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo taliska AMISOM oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, basle ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay duleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this