Deeq A. Posted February 10, 2020 Wararka naga soo gaaraya G/ Gedo ayaa sheegaya in weli dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo degmada Beled-Xaawo. Dhaq dhaqaaqyada ayaa ka socda duleedka magaaladaasi, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaaan labada dhinac. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinayo in lagu kor dagaalamo, walow qoysaska qaar ay isaga barakaceen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana markasta la filan karaa inuu dagaal qarxo, maadaama labada dhinac ay baabullo ka wadaan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites