Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Oo Dhex-dhexaadineysa Ururka Xamas Iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Wafti ka socda dowladda Masar oo isku dayaya iney qaboojiyaan colaadda ka taagan marinka Gaza ayaa maanta oo Isniin ah halkaasi gaadhay sida uu wakaaladda wararka AFP ay u xaqiijiyeen ilo-wareed ka tirsan Waaxda Amaanka ee ururka Xamas.

9D8A7A23-6C8C-4A83-BB62-D49B47EB02EF_cx0

Socdaalka wafdigan ayaa imanaya kadib markii Israel ay mar kale duqeysay magaalada Gaza taasi oo ay kaga jawaabaysay gantaalo halkaasi looga soo tuuray.

Masar ayaa in muddo ahba ahayd dhexdhexaadiyaha Israel iyo ururka Xamas oo gacanta ku haya maamulka marinka Gaza laakin waxaan faahfaahin laga bixin booqashadan ay wafdiga Masar maanta ku tageen Gaza.

Ciidamada Israel ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in saacadihii hore ee maanta ay diyaaradahoodu beegsadeen goobo ay leedahay Xamas oo ku yaalla koonfurta marinka Gaza.

Waxa ay sheegeen in goobaha la weeraray ay ku jirto xerada tababarka iyo kaabayaal militari oo ay leedahay Xamas.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan haddii ay jirto cid duqeymahan waxyeelo ka soo gaadhay ama dhismayaal ku burburay.

Habeenkii Axadda ayaa gantaalo laga soo ganay Gaza waxaa lagu garaacay koonfurta Israel, taasi oo keentay in qalabka ka diga gantaalaha ay qeyliyaan islamarkaana kumanaan dad ah ku qasabtay iney aadaan goobaha looga dhuunto banbaanooyinka.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this