Sign in to follow this  
Deeq A.

Janan oo ka hadlay waxa kala dhaxeeya KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladiisa, gaar ahaan waxa kala dhexeeya dowladda Kenya.

Janan ayaa wareysigaan ku sheegay in Kenya aysan wax gaar ah kala dhexeyn, marka laga reebo darisnimada Jubbaland, siduu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan uusan ku sugneyn dalkaasi, islamarkaana uu joogo degmada Beledxaawo oo ah magaallo Soomaaliyeed.

“Kenya dowlad aan deris nahay waaye muddo dheerna aan deris ahyn inta aan noolnahayna aan sii ahaan doono, wax gaara oo dowladda kenya naga dhaxeeyo oo derisnimada ka baxsan ma jiraan, anigane dalkeeda ma joogo ee waxaan joogaa degmada Beladxaawo”. ayuu yiri wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan)

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in u jeedada iyo dhaq dhaqaaqyada uu ka wado gobolka Gedo ay tahay sidii uu dib ugu soo celin lahaa xasiloonida gobolkaasi oo uu tilmaamay in meesha laga saaray nabad galyadii ay ku naaloonayeen shacabka.

“Aniga ujeedadeydu wax weeyaan in shacabkan noloshii shalay ay haysteen in ay dib u helaan oo hadda gacantoodii laga bixiyay nabadgelyadoodii in ay helaaan iyo in aan badbaadiyo sharaftooda lagu xad gudbahayo” ayuu markale yiri wasiir C/rashiid Janan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland laga dareemayo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this