Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Colaad ka taagneyd Matabaan oo xal laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

Saraakiishaan oo ka kala tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad iyo guutooyinkooda ka howl gala Galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta.

Genaraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya.

Odoyaasha iyo wax garadka labada dhinaca oo dood dheer kadib la isku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo, hadda kadibna la iska kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa soo qabashada cid walba oo dil geysata.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

220e5fd9-2482-4bd6-89f2-25c0ebac8aa4.jpg 2648729a-5c19-4be1-8b9a-09a599bfa9bc.jpg 41ac8c53-95c1-4bba-b478-eab78c35c7bd.jpg 6251fb73-34f8-4317-b516-3f64e4910359.jpg 972c4563-e06c-49e7-9059-166bf43e6687.jpg e1ac134c-1a03-4e5c-aae9-d0141065e0be.jpg e4a62d9c-ddf3-41f3-9878-fa32de0274eb.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this