Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: Al-shabaab oo Gubtay Labo Gaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa la sheegayaa in axaddii ay gubeen labo gaari oo nooca dhismaha ah.

Weerarkan aya waxaa uu ka dhacay meel u dhow H Young & Co’s camp uu ka tirsan  Lamu County, gawaaridan ayaa waday shaqada dhismaha waddo 135 kilometre oo isku xirta Lamu-Garsen .

Duqa  Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay  in ilaa 4 nin oo hubeysan ay si gaadmo ah ku gubeen kadibna ay duurka galeen.

Wax Khasaare ah lama sheegin, laakin wararka waxaa ay sheegaan in ciidamada ammaanka ay xoojiyeen dhaq-dhaqaaqa ciidan ee goobta.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this