Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha  Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo burcad ah ay dad shacab ahaa dil iyo dhaawac ugu geysteen duleedka degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Raggan oo ku hubeysnaa qoryaha fu-fudud ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen dad beeraley ah oo ku sugnaa halkaasi, iyaga oo isugu daray dil, dhaawac iyo dhac intaba.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dableydaasi ay dishay nin lagu magacaabi jiray, Cumar Nuur oo ka mid ahaa dadka beeraha ku leh duleedka Afgooye.

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dhaawacyo loo geystay dad kale oo la socday marxuumka, kadibna laga qaatay wax alaala wixii ay siteen.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ky daraya in kooxdii burcada aheyd falka kadib ay goobta isaga baxsatay, waxaana markii dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey duleedka degmadaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dhacdadaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin kala duwan oo ay geystaan kooxo burcad ah oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaasi, sidoo kale waxaa u sii dheer weerarada dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo dagaallada ay kala kulmaan ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this