Deeq A. Posted February 10, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid culus, islamarkaana ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhow magaalada Lamu ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday waddo uu dhismo ka socday, iskuna xirta Lamu iyo Garsen. Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu gubay laba ka mid ah gaadiid ka shaqeynayey dhismaha jidkaasi. Sidoo kale warar madax banaan ayaa intaasi ku daraya in ragga weerarka qaaday ay toogteen shaqaale Shiinees ah oo ku sugnaa halkaasi, kuwa kalena ay afduubteen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites