Sign in to follow this  
Deeq A.

Laascaanood Oo Markii U Horreysey Yeelanaysa Ciidanka Dab-damiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Waxaa shalay laga dhagax dhigay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xaruntii laga maamuli lahaa Dab-damiska iyo ciidankii ka hawl geli lahaa.

202029637168399201791693.jpg

25 dhalinyaro ah ayaa lagu bilaabay in ay ka hawl galaan magaalada Laascaanood kuwaa ka soo baxay boqolaal siyaabo kala duwan lagu soo kala saaray.

Agaasimaha Waaxda hawl fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhalinta soo baxday ay yihiin kuwo hanankara hawlaha looga baahan yahay isagoo intaas ku daray in tabarkii rasmiga ahaa haatan u bilaabmi doono.

Sidoo kale masuuliyiinta degmada iyo gobolka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay dhalintan u rajeeyeen kuwo hawshooda ka soo baxa.

Si kastaba ha ahaatee dhalinta weydey shaqadan ayaa dhaliilo badan oo garab taabasho ay ku sheegeen loo qaatay waxaase taas jawaab ah looma heli karo maadaama dadka imtixaankani qaadayay oo gebi ahaanba aan degaanka ahayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this