Deeq A. Posted February 9, 2020 Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Norway marwo Erna Solberg. “Waxaan uga mahadcelinayaa Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka,” ayay Villa Soomaaliya ku tiri war qoraal ah. Dowladda Norway ayaa dhowaan kaalmo ku kabtay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo xukuumaddu shaacisay in uu marayo heer gabagabo ah isla markaana maxsuulka lagu dhawaaqayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites