Deeq A. Posted February 9, 2020 Maxamed Cali iyo Mahad Carcar Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday Agaasime Waaxeed, ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntlnad oo lagu eedeeyey musuqmaasuq. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay in Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga ee Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland, Maxamed Cali Muuse lagu riday xukun saddex sano ah, markii lagu helay dambi ah inuu sameeyay waraaqo been abuur ah. Maxkmadda ayaa sheegtay in Maxamed Cali Muuse ay u furan tahay in uu muddo saddex maalmood ah Racfaan kaga qaato xukunka lagu riday. Dhanka kale Maxkamadda ayaa wax dambi ah ku weysay oo siidaysay Isu’duwihii Wasaaradda Kalluumeysiga ee gobolka Gardafuu Mahad Cali Carcar Daa’uud oo isna ku eedeysnaa musuqmaasuq. Maxamed Cali iyo Mahad Carcar ayaa Boosaaso lagu xiray bishii hore ee Jannaayo, waxaana lagu eedeeyey in ay waraaqo been ah ku qaadi jireen lacago ay leedahay Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland. Puntland ayaa dhowr jeer xukun ku riday shaqaale hoose oo lagu eedeeyey musuqmaasuq, halka aan wali la arag Puntland oo musuqmaasuq ku eedeysay masuul sarre. PUNTLAND POST The post Puntland oo Agaasime Waaxeed xukun ku riday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites