Deeq A. Posted February 9, 2020 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau. Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen sidii Soomaaliya iyo Canada ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhinacyo badan oo waxtar u leh labada dal. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau, ayaa imanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya sanadkii 2018, khilaaf Sacuudiga iyo Canada ay la safatay Sacuudiga. Canada waxay martigelisay Soomaali badan oo haatan kaalin mug leh ka qaata horumarka labada dal. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Justin Trudeau oo ku kulmay Addis Ababa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites