Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aqalka Sare oo ansixiyey sharci muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

Kulankii 36-aad ee Kalfadhiga 6-aad ayey goluhu ku meel mariyeen sharcigaasi, ayada uu shir guddomiyey guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullaahi.

Sidoo kale waxaa kulanka ku-wehliyey guddomiye Ku-xigeenka 1aad Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo  Ku-xigeenka 2-aad Senatar Mowliid Xuseen Guhaad.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa:

1) Akhrinta 3-aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

2) Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Guddomiye Ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3-aad ee hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

Waxaa sidoo kale hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Waxaa ogaaladay ansixinta sharcigaan 25 Senatar, Waxaa diiday 4 mudane, wax ka aamusayna ma jirin.

Halkaan hoose ka daawo Sawirrada:

11 22Senator Deeqa 84630617_2707667759353755_3664506426690109440_oAfgooye 85077502_2707674706019727_6100390857964257280_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this