Deeq A. Posted February 9, 2020 Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Kulankii 36-aad ee Kalfadhiga 6-aad ayey goluhu ku meel mariyeen sharcigaasi, ayada uu shir guddomiyey guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullaahi. Sidoo kale waxaa kulanka ku-wehliyey guddomiye Ku-xigeenka 1aad Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenka 2-aad Senatar Mowliid Xuseen Guhaad. Ajendaha kulanka ayaa ahaa: 1) Akhrinta 3-aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. 2) Akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Guddomiye Ku-xigeenka guddiga dhaqaalaha, maaliyadda, ganacsiga, warshadaha, isgaarsiinta iyo dalxiiska Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay warbixinta Akhrinta 3-aad ee hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka. Waxaa sidoo kale hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). Waxaa ogaaladay ansixinta sharcigaan 25 Senatar, Waxaa diiday 4 mudane, wax ka aamusayna ma jirin. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites