Deeq A. Posted February 9, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari Afgaanistaan u dhashay uu u geeystay laba askari oo mareykan ah halka lix kalana uu ku dhaawacay Saldhig Milatari oo ku yaala Bariga dalkaasi Afhayeen u hadlay ciidamada Milataarka dowladda Afgaanistaan ayaa warbaahinta u sheegay in nin ku labisan dareeska ciidamada Dowladda Afganistaan uu rasaas ku furay ciidamadan oo ku sugnaa saldhig Milatari oo ku yaala Bariag Dalka Afgaanistaan . Afhayeenkan ayaa intaasi ku daray in Ciidamda wadaagga ah ee ka koobnaa Afganistaan iyo Amerikan ay ku wada sugnaayeen Saldhiggan oo lagu magacaabo Nankar ee dhaca Bariga dalkaasi Waxa uu sidoo kale sheegay in Baaritaan intaasi kabadan ay wadaan dhowaanna ay shaacin doonaan sida weerarkan uu ku dhaca iyo wax yaabaha keenay Dhacdooyinka nuucaan ah ee dilka loogu geeysto ciidamada American ka ah ee ku sugan Afganistaan ayaa ah kuwo ku soo laalaabtay Saldhigyada dalkaasi Afganistaan PUNTLAND POST The post Askar Mareykan ah oo lagu dilay Afghanstan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites