Sign in to follow this  
Deeq A.

GUULEED oo warbixin ka soo saaray xaaladda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii Hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay, saddex sano kadib doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday 2017kii ee uu kusoo baxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeedka oo ka kooban laba bog ayaa ku sheegay in dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran iyo falal amni darro oo ay geysanayaan Kooxaha kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u direy xukuumadda Soomaaliya, maamul goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Calamka.

Hoos ka Akhriso war-saxaafadeedka Guuleed

84893743_2882666278442859_84192000470270 84789731_2882666335109520_20769312767905

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this