Deeq A. Posted February 9, 2020 Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay war dhawaan ka soo yeeray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International, taas oo ku aadanaa wasiirka amniga Jubbaland oo mar tegay dalkaasi. Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau oo wareysi siinayey wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn arrinta ku aadan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan. Sidoo kale Kamau ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ee dalka Kenya oo kaliya ay arrintaasi u furan tahay in ay ka falceliyaan, balse aysan iyagu ka hadli karin. Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo dowladda Soomaaliya ay doon dooneyso ayaa haatan isaga oo baxsad ah ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites