Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Janan oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Beled Xaawo iyo eedeynta DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Jubbland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo maalmahaan ku sugan duleedka degmada Beled-Xaawo ayaa maanta ka hadlay xaaladaha kusoo kordhey Gobolka Gedo, xarigii dowladda u geysatay arrimo kale.

Wasiir Janan oo shir Jaraaid qabtey ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si sharci darro ah Ciidamo farabadan kusoo daaabushay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, islamarkaana degmooyinkii amniga ahaa ay haatan amni darro ay ka abuurtay.

Waxaa uu sheegay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca Gobolka Gedo ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan madaxda Dowladda Federaalka oo uu sheegay in degmooyin amni ah ay kusoo duushay.

Waxaa uu soo hadal qaadey kiiskii dowladda Soomaaliya ay u xirtey ee ahaa in uu gobolka Gedo deegaano kamid ah dad ku dhibaateeyey, waxaana uu sheegay in uusan jirin dembi uu geystay.

“Aniga wax dhibaato ah uma geysan Shacab Soomaaliyeed,laakin dagaal Ciidamada iyo Al-Shabaab dhex maray inay waxyeelo kasoo gaarto waa ay dhici kartaa ayuuu yiri” Wasiir Janan.

Isaga oo ka hadlayay xarigii loogu geystay Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in qorshahooda uu ahaa madaxda Dowladda inay arbushaad ka sameeyaan Gobolka Gedo, hase yeeshee haatan u ku sugan yahay Degmada Beled-Xaawo cidii u baahatana uu soo dhaweynayo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa ka baxsadey halkii uu ku xirnaa 28-kii Bishii tegtay ee Janaayo Sanadkaan 2020, waxaana maalmo kadib uu tegay Kismaayo ugana sii gudbey Nairobi ugu dambeyna uu tegay Gobolka Gedo.

Hoos ka daawo Janan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this