Deeq A. Posted February 9, 2020 Shir madaxeedka ururka Midowga Africa ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo shirkaasi ay ka qeyb galayaan inta badan hogaamiyeyaasha dalalka qaaradda Africa iyo madax kale oo heer caalami ah. Soomaaliya waxaa shirkaas ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirka waxaa ka mid ah xoghayaha QM, Antonio Gueteres iyo Justin Tredue oo ah ra’iisul wasaaraha dalka Canada, waxaana shirka ku wehliya wasiirkiisa arrimaha dibadda iyo xubna kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Meertada 33-aad ee shirka Midowga Afrika ayaa waxaa sanadkan looga hadlayaa qodobo ku saabsan xal u helida caqabadaha ka jira Africa, gaar ahaan waxaa diirada la saari doonaa joojinta xasaradaha ka taagan dalka Lipya iyo sidoo kale hubka sharci darada ah. Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa ayaa sidoo kale si rasmi ah maanta ula wareegi doono kursiga shir guddoonka golaha Midowga Africa, waxaana uu booskaasi kala wareegayaa dhigdiisa dalka Masar, Abdel-Fitaah Al-Sisi oo isna horay kursiga shir guddoonka kala wareegay madaxweynaha dalka Rwanada Paul Kagame. View the full article Share this post Link to post Share on other sites