Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Galmudug oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galghaduud.

Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay madaxdu la qaateen odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha maamulkaasi.

Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa Shabelle u sheegay in shirarkaan oo uu goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Mudane Cali Daahir Ciid diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin howlaha shaqo ee ka socda Dhuusamareeb.

Tan iyo markii Qoo-Qoor iyo ku xigeenkiisa loo doorto hoggaanka Galmudug ayaa waxa ay kulamo iyo shirar gooni gooni ka wadeen gudaha magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this