Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka amniga Jubbaland oo ka hadlay arrimaha xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan)  oo dhawaan ka baxsaday dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa waxa uu ka warbixiyey xarigii 31 Agust loogu geystay magaalada Muqdisho, xilligaas oo laga qabtay garoonka Aadan Cadde.

Janan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka aysan geynin xabsi dowladeed, islamarkaana lagu hayey meel aan amni aheyn, siduu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in ra’iisul waaaraha Soomaaliya iyo wasiirka amniga gudaha aysan waxba ka ogeyn halkii uu ku xirnaa shantii bilood ee lagu hayey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Wasiir Janan oo hadalkiisa sii wata ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay colaad hor leh ka hurineyso deegaano ka tirsan gobolka Gedo oo markii hore nabad ahaa.

Ugu dambeyntii wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo haatan ku sugan duleedka magaalada Beledxaawo ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in la qalqal galiyo amniga deegaanada maamulkaasi, isagoona sheegay inay ka difaaci doonaan weerar qaawaan oo uu xusay inay ku soo qaatay dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhaq dhaqaaq u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga dareemayo degmada Beledxaawo, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay laga dareemayey xiisad xoogan oo u dhexeysa labada dhinac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this