Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka 33-aad ee Midowga Afrika oo ka furmaya Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in  uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a  bishan  Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hey’adaha Midowga Afrika, hirgelinta Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga Afrika iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan  la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, hoggaanka Hey’adaha iyo Ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this