Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo fariin culus u dirtay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ku sugan duleedka Beled-Xaawo ayaa si kulul kaga hadlay xiisada maamulkaasi kala dhexeysa dowladda federaalka, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee gobolka Gedo.

Sayid Aadan ayaa marka hore fariin u diray Beesha Caalamka, isagoo ka dalbaday inay isha ku heyso xaaladda Jubbaland iyo dhibaato uu sheegay inay ku heyso dowladda.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey madaxda qaranka inay qalqal gelin amni iyo buburin ay ku hayaan hey’adihii soo kobcayey ee dowlad goboleedka Jubbaland.

“Beesha Caalamka waa in aad fiirisaan waxa ka socda Soomaaliya, qarankii oo is burburinaya bal arka Ciidamada Soomaali la isku dilayo bal arka, hey’adihii soo kobcayay oo la burburinayo, waa in aad dib u eegtaan xaalada socota, rabitaan shaqsi ah iyo aragti xun oo aanan shaqeyn cawaaqib xumo ayay reebeysaa, waa in aadan gacan siin”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in mas’uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhaca gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland ay qaadeyso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, oo ay diiwaanka taariikhda loogu qori doono.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu dowladda ka baxsaday wasiir Janan oo Muqdisho ugu xirnaa waxaa xoogeystay dhaq dhaqaaqyada labada dhinac ee gobolka Gedo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this