Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo digniin ka soo saaray Colaadda Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururuka midowga Africa iyo Qaramada midoobay ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in hub iyo dagaal yahano loo diro dalka Liibiya oo ay ka taagan yihiin colaado xoogan iyo dagaalo u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka dalka Liibiya, arrintan ayaa lagu soo qaaday shirar hor dhac ahaa oo shalay ka dhacay xarunta midowga Africa ee Addis Ababa.

Shirka midowga Africa oo maanta oo axad ah ka furmaya caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa kaasoo looga hadli doono colaadaha iyo khilaafaadka ka jira qaar kamid ah dalalka ku bahoobay midowga Africa.

Sidoo kale waxaa xarunta midowga Africa ee Addis Ababa ka furmi doona shir madaxeedka 34-aad ee dalalka ku midoobay ururka African Union iyadoo lagu soo qaadi doono arrimo kala duwan oo inta badan ku saabsan xaaladaha ka jira dalalka Qaaradda Afrika.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo digniin ka soo saaray Colaadda Liibiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this