Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka Itoobiya oo lagu dilay G/ Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay toogasho ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa duleedka degmada Waajid ee gobolkaasi.

Dilka askartaan oo ahaa labo ayaa yimid kadib markii askartaasi oo ka baxsaday xero ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka magaaladaasi ay waddada u galeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo toogasho ku dilay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale  looga hadlay dilka askartaasi, iyadoona shaacisay in dagaalyahannadoodu ay weerarkaais u fuliyeen sidii loogu talagalay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warkaan ku sheegtay in ciidamadaasi ay ka furatay hubkii ay wateen, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid aad ula yaabeen shacabka ku dhaqan gobolka Bakool gaar ahaan kuwa ku nool degmada Waajid, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay ciidanka Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee ku sugan deegaanada gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this