Deeq A. Posted February 9, 2020 Barakac xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka bilowday xaafado ka tirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo cabsi ka qaba inay dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay bilaabneen inay isaga tagaan halkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Shalay ayey aheyd markii iska hor imaad kooban uu labada ciidan ku dhex maray qeybo ka mid ah degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites