Deeq A. Posted February 9, 2020 Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa xiray wadooyin hor leh oo ku yaalla deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay shacabka ku dhaqan degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Nabadoon Cumar Maxamed Cabdi oo ka mid ah dadka deegaanadaasi ayaa Shabelle u sheegay in meelaha la xiray ay ka mid tahay buundada Sabiib iyo Caanoole Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay hakad galisay qudaartii ka imaaneysay dhanka gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/shardi.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites